15. toukokuuta 2011 Kanava nuoriso ry järjesti toimitiloissaan Somalinuorten päivän. Somalinuorten päivällä juhlistettiin Somalinuorten liiton (Somali Youth League) 68-vuotis päivää. Somalinuorten liitto taisteli Somalian itsenäisyyden ja yhtenäisyyden puolesta ja sitä oli perustamassa 13 eri puolilta Somaliaa olevaa nuorta.
Tapahtumaan osallistui paljon lapsia, nuoria ja aikuisia - poikia ja tyttöjä sekä miehiä ja naisia.
Juhlassa käsiteltiin Somalian historiaa sekä nuorten keskeistä roolia Somalian itsenäistymisprosessissa.
Juhlassa keskusteltiin myös somalitaustaisten nuorten roolista suomalaisessa yhteiskunnassa sekä maahanmuuttajayhteisössään sekä heihin kohdistuvista odotuksista kummaltakin taholta.
Tapahtumaan osallistujat keskustelivat myös maahanmuuttajanuorten kohtaamista haasteista suomalaisessa yhteiskunnassa.
Vaikka nuoret esittivät omia näkökulmiaan sekä toivat omia mielipiteitään voimakkaasti esille juhlassa esillä olleisiin aiheisiin liittyen oli tilaisuuden yleisluonne kuitenkin rento – tarjolla oli pientä purtavaa ja vapaata keskustelua käytiin vilkkaasti. Myös nuorten lauluesitykset kevensivät tapahtuman teemoja juuri sopivasti.
15-ka May oo lagu xusay xarunta dhalinyarada Kanava ee
HELSINKI - FINLAND
May 15, 2011 - Galabnimadii Axada ee ku beegnayd sanadguuradii 68 aad ee aasaaskii ururkii gobanimadoonka dhalinyaradii soomaaliyeed ee SYL ayaa xaflad lagu xusay munaasabaddaas ka dhacday Xarunta weyn ee ururka dhalinyarada KANAVA ee caasimada wadanka Finland – Helsinki. Xafladaasi oo si heer sare ah loo soo abaabulay ayaa waxaa ka soo qayb galay dadweyne aad u fara badan oo ka koobnaa Haween, Dhalinyaro, Odayaal, Aqoonyahano, Saraakiil, Siyaasiyiin iyo dhamaan bulshada qaybaheeda kala duwan. Waxaa dadweynihii halkaasi ka soo qayb galay ay ku dhageysteen barnaamijyo kala duwan oo isugu jiray wacyigalinta dhalinyarada iyo doorkooda maanta, taariikhdii aabayaashii gobanimada soomaaliya, gabayo, heeso guubaabo ah iyo barnaamijyo kale oo aad u xiiso badnaa.
Hadaba iyadoo aan wada ognahay in dhalinyarada wadamadan aan u soo guurnay aanay wax badan ka garanayn taariikhda halgankii soomaaliyeed ayaa waxaa aad diirada loogu saaray in dhalinyaradii faraha badnayd ee ka soo qayb gashay kulankaas ay fahmaan qaabkii ay ku dhaliyeen dhalinyaradii 13ka ahayd ee SYL gobanimada aan maanta wada harsanayno, sidoo kalana ay u ogaadaan doorkooda maanta iyo sidii ay uga qayb qaadan lahaayeen nabadaynta wadankooda iyo soo celinta sharaftii iyo karaamadii ummada soomaaliyeed ee muslimiinta ah.
Ugu horayn furitaankii kulankaas ayaa waxaa hadalo soo dhaweyn ah ka soo jeediyey Gudoomiyaha xarunta dhalinyarada KANAVA Mr. Abduqadir Hadaafow. Waxaa ka soo qayb galay kulankaas oo qaarkoodna ay u soo jeediyeen hadalo dhaxal gal dhalinyaradii iyo dadweynihii kale ee halkaas isugu yimid odayaal aad magac iyo maamuus ugu leh bulshada soomaaliyeed dhexdeeda masuuliyado kala duwana ka soo qabtay wadanka burburkii dawladii dhexe ka hor. waxaa ka mid ahaa odayaashaas; Professor Ahmed Xiji, Dr. Hassan Mohamed Gibin, Kornayl Caseyr, Eng. Osman Hagi Fiiqow, Xaaji Omar Mohamud Jimcale, Xildhibaan Hassan Dhuxul. waxaa xusid mudan in uu halkaasi kasoo jeediyay khudbad xamaasadaysan oo aad u qiiro galisay dhalinyaradii halkaasi joogtay Suldaan Xuseen Qowdhan.
Waxaa barbar socday xafladaasi dhanka suugaanta oo iyadana laga xusi karaa abwaanka soomaaliyeed ee Finland Garaad Ahmed kornayl oo gabayo guubaabin ah soo jeediyey, sidoo kale heesaaga aan jeclayn inuu isa soo shaac bixiyo ee codka macaan Ahmed leexleex iyo heesaaga da’da yar ee Fuaad yare ayaa iyaga heeso wadaninimo ku maaweelinayey ka qeyb galayaasha. Waxaa barnaamijkaas si wanaagsan isaguna u daadihinayey Saed Jama Guled.
Gabagabadii kulankaas ayaa waxaa dhamaan dhalinyaradii iyo dadweynihii kale ee ka soo qayb galay kulankaas ay ayagoo maqsuud ah ku balameen inay u istaagaan sidii ay gacmaha isu qabsan lahaayeen una soo ceshan lahaayeen sharaftii ay lahaayeen aabayaashood.